3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo gaaray Kismaayo


 

Sabti, October, 12, 2019 (HOL)-Wafdi uu horkacayo hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.

Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale wafdigan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka dhaceysa Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar duulimaadyada ka imanaya Nairobi lagu farayo in ay soo maraan magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadan doonto talaabadan Kenya ay ku jabisay amar ka soo baxay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 













Click here
10/12/2019 3:45 PM EST
Sabti, Octobar 12, 2019 (HOL )– Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa kulankooddan kaga dooday hirgalinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system), kaasi oo ah nidaam casri ah oo dawladdu ku shaqayn doonto.

10/12/2019 3:42 PM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Sida ay wararku nagu soo gaarayaan dad kasoo qayb galay tacsi ayaa gaari qaadle ah waxa uu ku jiiray Qollaji oo ah xero ay deggan yihiin barakacayaal oo u dhaxaysa Baabili iyo Jigjiga.

10/12/2019 11:46 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu caleemo saarayaymo saarkiisa ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in la wadahadalo leyslana saxo sida uu hadalka u dhigay haddii ay jireen qaladaad dhacay.

10/12/2019 8:01 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)-Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo khudbad ka jeedinayay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ayaa soo hadal qaaday ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

10/12/2019 6:40 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo waxaa si toos ah waqtigan uga socta munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

10/12/2019 5:21 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 12 ayaa ku dhimatay tirio ka badan tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo ka dhacay dulleedka degmada Berbera

10/12/2019 2:28 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka soconeyso qabanqaabadii ugu danbeysay munaasabada caleemo saarka a Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

10/12/2019 1:55 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah ku dileen saddex sarkaal oo la socda kolonyo gaadiid ah oo ay ku safrayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

10/12/2019 1:34 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa mar kale soo saartay xayiraad cusub oo ku aadan diyaaradaha tooska ah raba in ay taggaan magaalada Kismaayo, gaar ahaan duulimyaadyada ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.