Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Milateriga Turkiga ayaa billaabay duulaan dhulka ah oo uu ku beegsanayo waqooyiga Suuriya, saacado kadib markii ay diyaaradihiisa iyo madaafiicda goobta duqeeyeen deegaanno ay ka taliyaan xooggaga Kurdiyiinta.
Ciidamada Turkiga oo kaashanaya jabhado Suuriyaan ah ayaa galay aagga
"bariga webiga Furaat" sida ay sheegeen saraakiil Turki ah.
Madaxweyne
Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan ay tahay
samaynta "aag ammaan ah" oo laga sifeeyay xooggaga Kurdiyiinta, deetana
la dejin doono qaxootiga Suuriya.
Xooggaga Kurdiyiinta ee garabka u ahaa Maraykanka ayaa wacad ku maray inay iska caabin doonaan duulaankaasi.
Duulaanka
Turkiga ayaa bilowday maalmo uun kadib markii uu madaxweyne Trump
ciidanka Maraykanka ka saaray deegaankaasi weerarku ka dhacay, taasoo u
muuqatay inuu ogolaansho siiyay xukuumadda Ankara.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaliilay weerarkaasi isagoo ku tilmaamay mid uu ka dambeeyo feker xun.
Britain
iyo Faransiiska ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
uu kulan degdeg ah ka sheego duulaanka, halka madaxa guddiga Yurub,
Jean-Claude Juncker uu ugu baaqay Turkiga inuu "hakiyo hawlgalka
milateri".
Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay
in walaaca ammaan ee Turkigu muujiyay uu yahay "mid sax ah" balse uu
filayo in dalkaasi uu "is xakamayn doon".
Xooggaga Kurdiyiinta ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan in ka badan
12,000 oo qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku
magacaabay dowladda Islaamka ee laga adkaaday. Maxaabiistaasi oo ku
xiran 7 xabsi ayaa waxaa kamid ah 4,000 oo shisheeye ah.
Laba
kamid ah xeryaha lagu hayo dadkaasi - Roj iyo Ceyn Cisa - ayna ku jiraan
qoysaska ragga la tuhunsan yahay ayaa ku yaal aagga ammaan ee uu
Turkiga samayn rabo.
Xigasho BBC