4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Xaaladda Jaamacadda Diridhabe oo maraysa meel adag

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Waxaa laga dayrinayaa xaaladda amni ee Jaamacadda Diridhabe, iyadoo haatan maraysa meel xasaasi ah.

Haddaba maanta ayay ugu darnayd markii wiil dhalinyar ah oo qowmiyadda Axmaarada ah kana mid ah ardayda Jaamacadda fooq laga soo tuuray, inkastoo maamulka Jaamacaddu sheegeen inuu isagu iskasoo tuuray sidaana ku dhintay.

Intaa kaddib ardaydii Axmaarada ahayd ee gudaha Jaamacadda ku xaraysnaa ayaa darbiga Jaamacadda kasoo daatay, iyagoo lafahooda u cabsi qaba.

Waxaa jirtay waayadamba dhibaato u dhaxaysay Axmaarada iyo Oromada wada dhigta Jaamacadan, iyadoo midba kan kale ka sheeganaya dhibaato keentay inay inta badan ardaydu ka baxsadaan Jaamacadda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa galabta lasoo dhoobay albaabka wayn ee Jaamacadda Ciidan aad u tiro badan oo isugu jira Ciidanka Qaranka, kuwa Fadaraal Booliska ah iyo Ciidanka ka hortagga rabshadaha.

Xaaladda ayaa caawa u eg mid ka duwan sidii hore iyadoo aad moodo inay sheekadu isugu soo biyo shubatay Jaamacadda Diridhabe. Cabsi badan ayaa laga dareemayaa gudaha iyo banaanka Jaamacadda.

Hiiraan Online