4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Gaadiidkii gurmadka ee ku xanibnaa Galmudug oo lasii daayay

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Waxaa koonfurta gobolka Mudug ka ambo baxay gaadiid badan oo gurmad u siday magaalada Baladweyne, kuwaas oo muddo saddex cisho ah lagu haystay degaano katirsan Galmudug.

Gaadiidkaan oo siday gurmadkii Puntland ka yimid, ayaa ku xayirnaa isbaaro kutaala koonfurta gobolka Mudug, iyagoo lagu amray inay bixiyaan lacago canshuuraad ah.

Masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug oo Hiiraan Online xidhiidh la sameeyay, ayaa iska fogeeyay in gaadiidkaas uu u xanibnaa canshuur Galmudug ah, Waxayse sheegeen in koox maleyshiyo ah ay falkaas ka dambeysay, laakiin markii dambe lagu guulaystay in gaadiidkaas la fasaxo.

Guddiga culimada Puntland ee qaabilsan gurmadka ayaa iyaguna maanta ka ambo baxay magaalada Garowe, iyagoo kusii jeeday magaalada Muqdisho kadibna ugasii gudbidoono magaalada Baladweyne.

Puntland ayaa dhawaan magaalada Garowe ka ambo bixisay 20 gaadhi oo xamuul ah oo siday gurmad ku wajahnaa shacabkii ku waxyeeloobay fatahaadii uu sameeyay Webiga Shabelle ee magaalada Baladweyne.

Hiiraan Online