4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Isimada gobolka Bari oo ku guulaystay in ciidamadii Bosaso galay dib loogasoo saaro

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Ciidamadii maleyshiyo beeleedka ahaa ee uu hogaaminayay Ciise Yulux, kuwaas oo maalmo ka hor Bosaso xoog ku galay, ayaa maanta dib uga laabtay magaalada Bosaso, kadib heshiis is afgarad ah oo laga gaaray xiisadihii ka aloosanaa gobolka Bari.

Ciidamadaan oo watay tobaneeyo Tikniko ah ayaa ku laabtay magaalada Carmo oo ku dhawaad 100KM koonfur ka xigta magaalada Bosaso, halkaasoo ahayd fariisinkoodii hore.

Waan waan nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen Isimada gobolka Bari, ayaa lagu guulaystay in xaaladda la dajiyo, dowladduna xal nabadeed ku dhameyso tabashada laga qabo.

Si looga baaqsado in magaalada Bosaso isku dhac ku dhex maro ciidamada Puntland iyo kuwa u abaabulan hab beeleedka ayaa Isimada waxay marka hore ku guulaysteen in ciidamada soo galay magaalada Bosaso ku noqdaan degaankoodii.

Xiisadaha gobolka Bari ka jiray, ayaa ka dhashay kadib markii uu soo baxay war ku saabsan in dowladdu meesha ka saarayso shirkad haysata qandaraaska ciiddanka Badda Puntland ee uu taageero Imaataatka,

Warar Hiiraan Online helayso ayaa sheegaya in la hakiyay qorshahaas maamulku damacsanaa.

Hiiraan Online