4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Golaha Guurtida Somaliland oo loo soo gudbiyey muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka

 

Sabti, November 16, 2019 (HOL )– Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay inay soo gaadhay qoraal lagu dalbanayo in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka maadaama oo mudadii loogu tallogalay inay doorasho dhacdo ay dib uga dhacday.

Gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inuu guddi ka soo talobixisa muddo kordhintaasi u magacaabi doono golaha si ay usoo darsan mudadda loo kordhin karo goleyaasha qaranka.

"Muddo kordhintii Golaha Wakiilada ayaa ina soo gaadhay iskama gudo galayno ee guddi soo darista oo talo inagu kordhisa ayaynu u saari doonaa gudida bari ayaan Magacyadooda idiin sheegi doonaa,"ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaa Maxamuud Aaden.

Muddo kordhintan loo qorshaynayo in loo sameeyo golaha Wakiilada iyo Guurtida ayaa noqonaya markii lixaad ee muddo kordhin loo sameeyo, waxaanay hadda kuraasta fadhiyaan in ka badan 12 sanno.

Doorashadii loo qoondeeyey inay dhacdo bishan aynu ku jirno ee November ayaa dib u dhacday ka dib markii muran badani ka dhashay guddidii hore ee doorashooyinka, taas oo muddo xileedkeedu kaga eekaa horaantii bishan aynu ku jirno.

Guddida doorashooyinka ayaa madaxweynaha usoo gudbiya in aanay wakhtigeedii doorasho ku dhacayn, madaxweynuhuna wuxuu Guurtidda ka dalbadaa inay muddo kordhin u sameeyaan goleyaasha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.