4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay eedaha uga yimid xisbiyada mucaaradka ah

 

Sabti, November 16,  2019  (HOL )– Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka jawaabay muranka ka jira xubnaha gudida cusub ee Komishanka doorashooyinka, kuwaas oo xisbiyada mucaaradku sheegeen inay qaadaceen oo aanay la shaqayn doonin.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, waxaanu sheegay inuu raacay sidii sharcigu dhigayey,isla markaana aanay ku jirin heshiishkii xisbiyada in aan dib loo magacaabi Karin xubnihii guddidii hore ee doorashooyinka oo xubin ka mid ahi ku jiro guddidan cusub.

“ Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay cadaadiska uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku hayo gobolada Soomaaliya, waxaanu yidhi “soomaaliya waad ogtihiin weerarka ay inagu hayso, oo ay ka bilaabeen markii ay ka hor yimaadeen horumarintii dekadda Berbera ee Dp world , tii ay hay’adaha kaga joojinayeen in caawimadda toos loogu geeyo Somaliland, diyaaraadihii oo ay isku dayeen in aanay hawadeena soo marin, cidii Somaliland soo dhoweysa ama marti qaada in cilaaqaadka loo jaro , Tii Tuko raq ee inagu soo weerareen baa ku xigtay, taas bay xisbiyada mucaaradku ku amaanayaan, ma waxaynu kaga dayanaa Farmaajo dhaqanka uu labaddii madaxweyne kaga xidhayo madaarka Muqdisho, dhaqankaasi iskadaa siyaasada ta Soomaalinimo maaha in madax laga joojiyo madaarkii ay ka dhoofayeen”

Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay in aanay aqoonsanayn guddida cusub ee doorashooyinka illaa inta laga saarayo xubnaha ay diidan yihiin oo ay u arkaan inay dhinac yihiin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.