4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulankoodii caadiga ahaa ku yaalanaya Muqdisho

 

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)- Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka waxaa uu ayaa ah Akhrinta koowaad Hindise Sharciyeedka Daawada, Akhtinta 1aad Xisaab Xirka 2018 iyo Akhtinta 2aad Hindise Sharciyeedka Naqshadaynta Magaalooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmihii la soo dhaafay Safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Itoobiya ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Xildhibaanada tan iyo markii uu furmay kal-fadhiga 6-aad ee Golaha ay ansixiyeen Ajendayaal dhowr ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]