4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in aan Garsoor loo doonan Al-shabaab

 

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Dowladda Soomaaliya Xassan Xusseen Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan cadaallad iyo Garsoor u doonan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa dhinaca ugu baaqay garsoorayaasha Soomaaliyeed in ay hagaajiyaan adeegga Garsoor oo ay bulshada u hayaa si ay u kasbadaan una soo jiitaan dareenka Shacabka ay ka qabaan hay’addaha cadaallada Dowladda Soomaaliya.

‘’Shacabka Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in aysan cadaallad ka raadin kooxdaas [Al-shabaab] inta laga hagaajinayo hay’addaha garsoorka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wax-yaabaha la fahansan yahay in ay dadka ku dhiirogeliso in ay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaarkood qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

Dadka ku dhaqan deegaannada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa intooda badan garsoorka iyo xukunka u aada deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, iyaga oo u arka maxkamada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab kuwa dadka loogu kala saaro si cadaallad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]