Dadkii ka barakacay magalada Beledweyne oo bilaabay in ay dib u soo guryo noqdaan
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)- Qoysaskii ka barakacay fatahaadii cusleyd ee dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne ayaa hadda bilaabay in ay si tartiib tartiib ah u soo guryo nodaan, kaddib markii ay magaalada ka baxeen biyihii ku dhuftay
Laakiin marka laga soo tago khasaaraha
nafeed oo ay geysteen daadadkan dhinaca kale waxaa jira saameyn adag oo ay ku
yeesheen qaab nolaleedkii guud ee bulshada iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh
soo gaaray qaar ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa magaalada oo ay Fatahaadu la
tagtay guryihiin ay ku noolaayeen.
Dadka fara-ku tiriska ah ee hadda
bilaawday in ay dib u soo guryo noqdaan ayaa dhinaca kale wajahaya xaalada adag
oo caafimaad kaddib markii ay dilaacday Kaneeco xad dhaaf ah oo ka dhalatay biyaha
iyo wasaqda ay Fatahaadu reebtay kuwaa oo wali dhax ceegaagga qaar ka mid ah
xaafaddaha magaaalada.
Waxaa jira digniinno caafimaad
loo jeedinayo bulshada reer Beledweyne iyo cudurro ka dilaaci kara magaalada
sida Maleeriyada iyo Shuban biyoodka oo gaar ahaan halis ah carruurta oo iyagu
u nugul cudurradan.
Dadka ugu badan ee wali ku sii
harsan deegaannada loo barakacay ayaa wali rajo ka qaba kaalmo ay ka helaan
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka iyo in laga caawiyo sidii ay
mar kale dib ugu bilaabi lahaayeen nolashii ka burburtay oo ay ugu sii daran
yihiin burburka ku dhacay guryihiin ay ku noolaayeen oo qoysaska qaarkood aysan
awood u laheyn in ay dib u dhistaan.
Qarramada Midoobey ayaa
sheegtay in lacag dhan $18.7
Million oo dollar ugu deeqday dadkii ay Fatahaadu saameysay kuwaa oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto
iyo gar-gaar caafimaad.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]