4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Farmaajo iyo Abiy Axmed oo iskudayay inay wadajir u tagaan Hargeysa, maxaa dhacay?

Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya , Abiy Axmed ayaa mar iskudayay inay si wadajr ah uga dagaan magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland, laakin taas ma dhicin.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed oo warkaa sheegay wuxuu tilmaamay Soomaaliland inay khasaarisay fursad dahabi ah.

"Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy." ayuu yiri Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta maxalliga ah ee Goobjoog.

Mahdi, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay  halka uu ku dambeeyo wadahadalka labada dhinac iyo waxa dhankooda u qabsoomay, wuxuu yiri "Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas'uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Soomaaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas miro dhal noqdaan".

Wuxuu xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay xiriir toos ah lahaayeen.

"Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro, markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii", ayuu yidhi Mahdi.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa markii ugu horreysay la billaabay sannadkii 2011-kii, markaasoo dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay uu madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.Intii ay jirtay dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa hakad ku jiray wadahadallada, balse mar walba madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegaa in wada-hadallada dib loo billaabayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]