4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo farrin u diray shacabka

Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashadda bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]