4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inay berri tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in Isniinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

War kooban oo uu baahiyay telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay billatay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana maalinta berri ah ay tahay Ramadaan ,waxa ayna ugu hambalyeysay ummadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Puntland ayaa dhankeeda shaacisay inay berri tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ayaa shacabka ugu hambalyeeyay bilashadda bisha Ramadaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]