4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in bishaan uga faa’iideestaan in ay isu soo dhawaadaan, dalkana u duceeyaan, waxa uuna Allah ka rejeeyay in bishaan Barakaysan ay dhamaato dalka oo Barwaaqa ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]