4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Shirka Golaha Horumarinta Qaranka oo maanta ka furmay Garoowe

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda Qorsheynta dowlad-gobolleedyada dalka ayaa maanta uga furmay Magaalada Garoowe shirka Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ), iyada oo uu shir-guddoominiyay Wasiirka Qorsheynta Federalka , Jamal Maxamed Xasan.

Shirka ayaa  looga hadlay natiijadda ka soo baxday wareegga koowaad ee wada-tashiyada Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, anbaqaadidda wareegga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, Mashruuca ILED, Hannaanka u shaqeeyo xafiiska NAO.

"Waxayna walaac ka muujiyeen Golaha Horumarinta Qaranka xaalada abaarta dalka, kuna baaqay in la bilaabo gar-gaar deg deg oo wax looga qabanayo arrintaas." ayaa lagu yiri war ka soo baxay shirka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]