4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Columbus Ohio


Axad, May, 05, 2019 (HOL)- Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga qaranka Xildhiban Abdinasir Said Muse (Bahaay) oo maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magalaada Columbus Ohio Waxaana habaynimadii xalay uu kulan la qaatay Jaaliyadda

Kulankan oo ahaa mid xog wareysi soo dhaweyn iyo fikir gudbin ku salaysnaa waxaa soo abaabulay dhalinyarada reer Columbus iyada oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada

Dadkii ka hadlay kulankan oo aad u badnaa waxa ay wasiirka wax ka weydiiyeen arimaha Amniga Dalka gaar ahaan Caasimadda, Qaraxyada, Qilaafaadka, Siyaasada, Isbadalka dalka, Ciidamada iyo dhinacyo kale oo baddan waxa uuna wasiirku warbixin dheer ka siiyay Jaaliyadda Marxaladihii dalka iyo halka la marayo

Wasiirka ayaa oo ku dheeraaday arimaha Amniga waxa uu xusay in amniga dalka uu ka soo raynayo iyada oo ay jireen caqabado baddan oo dhanka amniga ka jiray waxa uuna farta ku fiiqay dib u habayntii lagu sameeyay ciidamada oo muhiimad weyn u lahaa qaranka in la hubiyo ciidanka u shaqeeya dowladda iyo kuwa aan u shaqeeyn

Wasiir ayaa jaaliyadda ku booriyay in ay is garab taagaan Dowladnimada isla markaana il gooniya ku eegaan cawimaada Ciidanka iyo dhiirogalintooda iyada oo laga qeyb qaadanayo dib u dhiska xerooyinka ciidanka si isku tashi dhexdeena ah.

Muhiimada ay Qurbojoogtu u leedahay soo kabashada dalka ayuu ku tilmaamay mid aan la qarinkarin dhanka kalana loo bahanyahay in la sii laba jibaaro

Wasiirka oo dhinacyo badan oo ku saabsan xaalada dalka ka warbixinayay ayaa wax laga weydiiyay in ay jirto wax wada hadal ah oo ay dowladu u fidisay Ururka alshabaab si loo so afjaro mushkilada amni xumo ee dalka ka jirta, waxa uuna wasiirku sheegay in dhoowr jeer ay isku dayeen walina ay u fidsantahay gogosha wada hadal, ayada oo dhanka kale ay isa soo dhiibeen xubno baddan oo ka tirsan hadana wali waan u bahanahay in wiilasheena la qalday ay dib u soo laabtaan ayuu yiri wasiirku.

Waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaa malmahan qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo kala hadli doona in la is garab taago ciidamada oo xiligan ay dowladdu bixiso mushaaraad kooda.