3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Maxkamadda gobolka Banaadir oo go'aan ka gaartay dacwadda mas'uuliyiin ka tirsan dekedda Muqdisho iyo ganacsato


Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go'aan ka gaartay dacwad loo heystay mas'uuliyiin ka tirsan dekedda Muqdisho iyo eedeysanayaal.

Saraakiisha dekedda Muqdisho iyo ganacsatada la horkeenay maxkamadda ayaa loo heystay eedeymo la xiriira isdaba marin dhanka canshuuraha,balse go'aan ay maanta maxkamadda soo saartay ayaa lagu sheegay in wax dambi ah lagu waayay kaddib markii ay ku guul dareysteen xafiiska Xeer ilaalinta in ay maxkamadda horkeenaan caddeymo ku filan in lagu helo eeda ay usoo jeediyeen muwaadiniintaas.

Maxkamadda ayaa shan eedeysane amartay in xuriyadoodda dib loogu celiyo halka ay labo eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay dacwadoodo maxkamadda darajada 1-aad maaddaama aan loo marin habraaca dacwadaha dadka maqan sida soo qabasho ama baafin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/5/2019 5:19 PM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya , Abiy Axmed ayaa mar iskudayay inay si wadajr ah uga dagaan magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland, laakin taas ma dhicin.

5/5/2019 5:15 PM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashadda bisha barakaysan ee Ramadaan.

5/5/2019 5:01 PM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in Isniinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

5/5/2019 1:58 PM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

5/5/2019 1:51 PM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda Qorsheynta dowlad-gobolleedyada dalka ayaa maanta uga furmay Magaalada Garoowe shirka Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ), iyada oo uu shir-guddoominiyay Wasiirka Qorsheynta Federalka , Jamal Maxamed Xasan.

5/5/2019 1:33 PM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya, Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay ciidanka amniga inay gacanta ku dhigeen kayd hub oo ay al-Shabaab ku lahaayeen degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

5/5/2019 12:49 PM EST
Axad, May 05, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Nayjeeriya Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku yimid Hargeysa, waxaaana loo sameeyey qaddo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne Biixi , hogaamiyeyaasha asxaabta.

5/5/2019 11:50 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL)- Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga qaranka Xildhiban Abdinasir Said Muse (Bahaay) oo maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magalaada Columbus Ohio Waxaana habaynimadii xalay uu kulan la qaatay Jaaliyadda

5/5/2019 10:34 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Ugu yaraan shan ruux ayaa la sheegay inay ku geeryootay dad kalana ay ku dhaawacmeen miino dhulka lagu aasay oo ku qaraxday Bus ay saarnaayeen dad shacab ah duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

5/5/2019 6:04 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

5/5/2019 5:52 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo ugu qeybgalayo shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

5/5/2019 5:35 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Ururka Midowga Yurub ayaa diyaarinaya shirweyne gobolleed looga hadlayo dhaqaalaha dalalka bariga Afrika si loo xoojiyo nabadda iyo horumarinta ee gobolka.

5/5/2019 2:54 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Milateriga Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa xalay ku dagaallamay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

5/5/2019 2:38 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa la kulmay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

5/5/2019 2:28 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir,sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/5/2019 2:20 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee Somaaliya ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ku yeeshan kilankoodii 4 aad ee kalfadhiga shanaad.

5/5/2019 2:06 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Dalladda Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSA ayaa warsaxafadeed ay ka soo saartay xalay wada-hadalka la filayo in maanta uu uga furmo magaalada Garoowe madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul-goballeedyada ugu baaqday in ay ku xalliyan arrimaha lagu kala fogyahay.

5/5/2019 1:36 AM EST
Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in magalada Garoowe uu shir wadatashi ah uga furmo madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.