4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
5 qof oo ku geeriyooday duleedka Afgooye

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Ugu yaraan shan ruux ayaa la sheegay inay ku geeryootay dad kalana ay ku dhaawacmeen miino dhulka lagu aasay oo ku qaraxday Bus ay saarnaayeen dad shacab ah duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidammada dowlada iyo maamulka degmada afgooye ayaa la sheegay iney u gurmadeen dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa miinadan iyadoo dadkii dhaawaca ahaan loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Gaariga miinada ku qaraxday ayaa la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Muqdisho isagoo ka yimid deegaanka Cabdow dibile. Ma aha markii ugu horreysay ee dad rayid ah oo saarnaa gaari rakaab ay ku qaraxdo miino dhulka lagu aasay deegaannada ku dhow degmada Afgooye.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]