4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya shirka Garoowe

Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo ugu qeybgalayo shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Labadii maalin ee u dambeysay waxaa taagnaa khilaaf madaxda dowlad-gobolleedyada dhinacoodda ka imaanayay oo ay ku diiddanyihiin inuu shirka ka qeybgalo guddoomiyaha gobolka Banaadir, balse arrintaa waxaa la sheegay in xal-laga gaaray.

Guddoomiye Yariisow, ayaa hadda ka qeybgalaya shirka oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, waxaa si gaar ah looga dooddaya arrimaha taagan oo amniga, iyo hannaanka doorashada ay ugu horreyso.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]