4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Midowga Yurub oo Addis Ababa ku qabanaya shirweyne gobolleed looga hadlayo dhaqaalaha

Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Ururka Midowga Yurub ayaa diyaarinaya shirweyne gobolleed looga hadlayo dhaqaalaha dalalka bariga Afrika si loo xoojiyo nabadda iyo horumarinta ee gobolka.

Shirkan oo ay si wadajir isaga kaashanayaan bangiga adduunka iyo Midowga Yurub waxaa bisha July lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,sida uu sheegay howlfulinta Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ,Garrido Ruiz.

Waxa uu tilmaamay in shirweynahaasi lagu lafa-guri doono kaabayaasha  gobolka ee qeybaha tamarta, gaadiidka, ganacsiga, horumarinta qeybta maaliyadda, nidaaminta deegaanka,  horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo loo sii marayo tacliinta iyo xirfadaha.

"Shir weynahaan la qorsheynayo wuxuu yimid xilli uu horumar wanaagsan sameeyey xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea." ayuu yiri Garrido .

Gabagabadii, wuxuu sheegay in xiriirka debecsan ee saddexdaasi dal uu dib u soo celinayo xiriirkooda, iyadoo ay Itoobiya iyo Eritrea dib u furteen safaaradihii uu midba ku lahaa kan kale dalalkaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]