4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2019
Ciidanka dowladda iyo al-Shabaab oo ku dagaallamay deegaanka Bariire

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Milateriga Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa xalay ku dagaallamay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Dagaalka ayaa ka billowday weerar ay saqdii dhexe ee xalay dagaallamayaasha al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidammada milateriga Soomaaliya ka sameysteen deegaanka Bariire ,halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidammada dowladda.

"Dagaalka wuxuu ahaa mid saacado socday hub culus ayaana la maqlayay". ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

War laga helay saraakiisha milateriga dowladda ayaa lagu sheegay inay ciidanka dowladda iska caabiyeen weerar al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna dib u celiyeen.

Khamiistii toddobaadkii hore ayay ciidanka dowladda gaareen deegaanka Bariire oo qiyaastii degmada Afgooye u jirta 30 km , halkaa oo lagu sheegay deegaan muhiim u ah dowladda, waxaana deegaanka lagu xasuusta weerarro is xig xiga oo al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dhexmaray.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]