4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Ciidammada amniga oo howlgallo ka sameeyay degmada Xamar weyne

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir,sida laga soo xigtay saraakiisha.

Ciidanka ayaa inta badan howlgallada ka fuliyay xaafadda Via Roma iyo xaafadaha ku dhow  Suuqa Xamar weyne, halkaa oo la arkay ciidammada oo baaraya gaadiidka iyo dadweynaha.

Howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa ciidammada u tababbaran miino baarista ee ka tirsan Booliska, waxaana howlgalkan uu gaaray illaa xalay saqdii dhexe.

Dhallinyaro fara badan ayaa howlgalka lagu qabtay, inkastoo markii dambe la sii daayay, kaddib baaritaanno lagu sameeyay.

Howlgalkan ayaa daba-socda howlgallo ay ciidammada amniga ku xaqiijinaya nabadgalyado oo inta badan xaafaddaha caasimadda Muqdisho laga fuliyay, waxaana saraakiisha laga soo xigtay in howlgallada ay sii socon doonaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]