4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2019
Xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee Somaaliya ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ku yeeshan kulankoodii 4 aad ee kalfadhiga shanaad.

Kulankan ayaa lagu wargeliyay xildhibaannada golaha aqalka sare oo xalay loo diray farriimo lagu wargelinayo inay kulanka soo xaadiraan.

Ma cadda ajandaha kulanka iyo qodobbada kale ee looga hadlayo, balse waxaa lagu wadaa in kulanka looga dooddo qodobbo dhowr ah oo horyaalla golaha aqalka sare.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]