4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Shir Garoowe maanta uga furmaya dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada

 

Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in magalada Garoowe uu shir wadatashi ah uga furmo madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Garoowe ku wada sugay kuwaas oo kulamo gooni gooni ah wada qaadanaya.

Shirkan oo marka dhinac laga eego siweyn uga duwan shirarkii hore ayaa la filayaa in leyskula soo qaado qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, jaantooynta Siyaasada, Dastuurka, Dhaqaalaha, Doorashada, Wadaaga Kheyraadka dalka, iyo waliba hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galinkii danbe ee shalay gaaray Garoowe, ayaa la filayaa in uu shirka ka jeediyo khudbada furitaanka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa siweyn isha ugu haya natiijada shirka ka soo bixi karta, madaama dhinacyada isa soo hor fadhiisanaya yihiin kuwo siweyn ugu kala duwan geedi socodka siyaasada dalka ee la doonayo in lagu gaaro doorasho xor ah sanadkan 2021ka iyo ugu danbeyntii qodobada ay ku heshiiyaan ee laga soo saari doono kulanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]