4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Booliska oo ka warbixiyay qaraxii caawa ka dhacay xeebta Liido

Isniin, May 27, 2019 (HOL)-  Booliska Soomaaliya ayaa  faahfaahin ka bixiyay qarax gaari oo xilliga afurka ka dhacay xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka booliska, S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gaari nooca Toyota filler uu ku qarxay agagaarka aargada Liido.

"Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro". S/Guuto Zakiya ayaa sida ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook.

Ammaanka caasimadda ayaa muddooyinkii dambe u muuqda inuu soo hagaagay,iyadoo hay'adaha ammaanka ay kordhiyeen howlgallada xasillinta , isgoysyadana la dhigay ciidammo dheeraad ah oo boolis ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]