4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2019
Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay dalka Shiinaha


Axad, May, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni oo soo gebagebeeyey safarkiisii gobolka Mudug ayaa safar shaqo maanta ugu amba baxay dalka Shiinaha, isagoo ku horreyna magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa ku dheraaday arrimaha muhiim ka ah ee uu daaran yahay socdaalka isaga iyo wwafdigiisa  ee dalka Shiinaha, waxaana uu xusay in dalkaasi ay u tegidoonaan iskaashi ganacsi.

"Waxaan maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Shiinaha aniga iyo wafdiga Wasiirro ka kooban oo ila socda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmarilahaa gobol kamida gobolada Shiinaha ee dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kala faa'iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershedaha iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya."

"Waxaan rajaynaynaa muddadaas aan joogno inaan aragtiyo fiican kala soonoqondoono, Iyagana aan u sharixidoono fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qayb-qaata koboceena dhaqaale inay yimaadaan dalkeena, iyagoo usoo maraaya sharciga iyo nidaamka dowliga ah, Dowladda Puntland waxay balanqaadysaa dhankeeda inay fududayso waxkasta oo horumarka ka qayb-qaadanaya". ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale,Madaxweynaha Puntland ayaa u beyaamiyey dalalka saaxiib ka dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan shirka maalgashiga Puntland oo dhowaan Puntland lagu qabandoono.

"Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo waddamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay inay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Wafdiga madxaweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulka iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Putland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]