Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) – Golaha milatariga
Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi
ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano
gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.
General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare
ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe
kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah.
Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo
saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo
isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka.
Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac
ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha
baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka.
Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo
marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee
sanadkaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]