Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Hoose
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose
ayaa sheegaya in xalay degmada Buula-Mareer uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya
iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay weerar culus ku qaadeen Saldhigyo ciidamo
ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo
mudo saacado ah qaatay,sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo aan
la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid
dhinaca Ururka Al-Shabaab, islamarkaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Buulo Mareer
ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq
dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo dadka deegaanka ay sheegayaan in mararka qaar ay
rasaas maqlayaan wallow uusan dagaal jirin.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay
weerarrada ka geystan xoogagg Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada
dowladda iyo kuwa AMISOM.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]