4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Shan ruux oo ku dhimatay qarax maanta ka dhacay gobolka Baay

 

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ku dhaceen qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxan ayaa ka dhacay, suuq ay Arbaca dadku isugu yimaadaan ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Shan ruux halka tiro ka badan 40 ruuxna ku dhaawacmeen.

Gaar ahaan qaraxyada ayaa lagu bartilmaameedsaday Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Goof-gaduud Buureey, waxaana halkaa ku sugnaa dadweyne aad u faro badan oo halkaa ganacsi u joogay.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa u sheeegay warbaahinta in miino lagu aasay suuqa dhaxdiisa oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda in ay ka dan-beysay qaraxyada maanta ka dhacay deegaanka Goofguduud oo dhowr jeer oo hore ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]