4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Al-shabaab oo sanadkan oo kaliya duqeymo looga dilay 244 dagaalyahan

 

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya 25 duqeymo cirka oo ay ka geysteen Soomaaliya Al-shabaab looga dilay 244 dagaalyahan.

Waxaa ugu danbeeyay weerar shalay Mareykanku ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose oo talisku sheegay in ay ku dileen 8 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, iyaga oo meesha ka saaray in dhinacooda wax khasaare ah oo uu soo gaaray.

Duqeymihii ugu danbeeyay ee diyaaradaha Mareykanku geystaan ayaa sidoo kale ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo lagu dilay diro ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo iyo saraakiisha militari oo gacan ka siiya dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, sanadihii ugu danbeeyayna waxaa ay xoojiyeen duqeymaha lagu bartilmaameedsado xarumaha ay degan yihiin xoogagga iyo saraakiisha Ururkan dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeera.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]