3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinaya shirka ka soconaya Kampala

 

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, is-dhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa lagu wada in Maanta oo Arbaco ah in la soo geba gabeeyo,waxaana khubad dheer la filayaa in uu ka jeediyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo taas oo uu kaga hadli doono arrimaha, Amniga, Kobaha Dhaqaalaha iyo isdhexgalka wadamada Geeska Afrika.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Kumaan Ergo oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo shirkaasi martigeliyey, waxaana inta ka hasran shirkaas laga hadli doonaa sida lagu kobcin karo dhaqaalaha Wadamada Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Uganda oo tiro laba jeer ah sheegay hadalo uu ugu gefay Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
3/13/2019 12:13 PM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-Deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ku dhaceen qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

3/13/2019 6:49 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Maxkamadda shaqaalaha ee London ayaa dhageysanaysa dacwad uu soo gudbiyay 79 jir Soomaali ah oo muddo kala kulmayay bahdil diblomaasi Qadari ah.

3/13/2019 6:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad shir guddoomiyey shirka Jihaynta Siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland.

3/13/2019 6:02 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor'imaad saakay ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

3/13/2019 5:37 AM EST
Arbaco,Maarso, 13, 2019 (HOL)-Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah laguna daweeyo dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa laga hergaliyay qeyb ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne

3/13/2019 2:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay garoomadeeda ka mamnuucday in ay isticmaalaan diyaaradaha duqoobay ee lagu farsameeyo wadankii la oran jiray midowga Soofiyeeti.

3/13/2019 2:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya 25 duqeymo cirka oo ay ka geysteen Soomaaliya Al-shabaab looga dilay 244 dagaalyahan.