4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Raysul wasaare Khayre oo si ka badalan safarkiisii hore loogu soo dhaweeyay Kismaayo


Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)– Dad aad utiro badan ayaa maanta isugu tagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaa oo isugu jiray masuuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah iyo ardeyda wax ka barata Iskuulaadka magaalada, ayadoo dadkan ay u tageen halkaasi si ay usoo dhaweeyaan wafdi uu horkacayo raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Clai Khayre.

Dadka isugu tagay garoonka ayaa sitay calanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sawirrada Raysul wasaaraha, waxaana ay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ay kusoo dhaweeynayeen wafdiga.

Raysul wasaare Khayre ayaa imaatinkiisa kadib salaam la dhex qaaday madaxdii iyo shacabkii isugu yimid garoonka, waxaana intaa kadib ay madaxdu warbaahinta kula hadleen qeybta nasashada ee Garoonka.

Ugu horeyn Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in madaxda iyo shacabka reer Jubbaland ay ku faraxsanyihiin imaatinka wafdiga.

Raysul wasaare Khayre ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenndiisa iyo shacabka Reer Jubbaland ee soo dhaweeyay.

Waxa uu sheegay in mudada uu joogo Kismaayo uu madaxda Jubbaland la qaadan doono kulamo looga arinsanayo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeyna dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waxa uu xusay in safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiirro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda, isagoo xusay in wasiirada heer federaal iyo kuwa Jubbaland ay yeelan doonaan kulamo ay uga arrinsan doonaan wadashaqeyntooda, sidoo kale ay taliyeyaashu la kulmi doonaan taliyeyaasha ciidamada Jubbaland islamarkaana ay halkan ka qaban doonaan shaqooyin qaran.

Intaa kadib Wafdiga Raysul wasaaraha ayaa loo gelbiyay magaalada, waxaana uu dad aad u tiro badan kula hadlay isgoyska Aargada ee magaalada Kismaayo.

Safarkan ayaa dhanka soo dhaweynta aad uga badalnaa kii bartamaha sanaddii 2017 uu raysul wasaaraha ku yimid Kismaayo, waxaama la arkayay bulshada reer Kismaayo oo buuxdhaafiyay hareeraha wadooyinka iyo isgoyska weyn ee Aargada, halkaa oo uu Raysul wasaaruhu kula hadlay shacabka.

Ammaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana ciidamadu ay xireen wadada laamiga ah ee isku xirtay garoonka iyo magaalada.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee imaatinka wafdiga, haseyeeshee bilooyinkii u danbeeyay waxaa jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dowladda dhexe iyo Qaar kamid ah dowlad goboleedka oo ay kamid tahay Jubbaland, kaa oo gaaray heer ay istaagto wadashaqeyntii u dhexeeysay wasaaraha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.