4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Dood ku saabsan natiijada fara-galinta shisheeye ee Soomaaliya oo ay qabatay Jaamacada SIU


Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Doodan oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaan Fowzia Yusuf Xaaji Adan cilmi wasiirkii hore wasaaradda Arimaha dibadda, Dr. Abdirahman M. Abdullahi (Baadiyow)- aqooyahan, qoraa, Robert Kluijver Macalin ka tirsan Paris Institute of Political Studies: Sciences Pro, Jaamacadda SIU-na cashiro ka bixiya.

Waxaa doodda dadkii ka qeybgalay ka mid aha Dr Ahmed Cali Khaire Aqoonyahan sharaciga caalamiga ah (International Law, Phd), Sheekha Bashiir Ahmed Salaad-Guddoomiyaha Daladda Culumada Soomaaliyeed.

Doodan ayaa xoogga lagu saaray mowduucyda ay ka mid yihiin: saamaynta fara-galinta shesheeye, dhismaha ciidan qaran oo gacanta ku dhiga amniga dalka.

Sidoo kale, waxaa lagaga hadlay dooda Arimo ay ka mid-yihiin nidaamka Federaalka ah iyo dib u eegida dastuurka, suurtagalnimada doorasho hal qof iyo hal cod.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Osmaan Macalin Xassan oo dooda furay ayaa soo dhaweyn u sameeyay ka soo qaybgalayaasha oo ay ka mid ahaayeen jaamacaddaha dalka, bulshada rayidka iyo haldoorka dhalinyarda oo dooda ka soo qaybgal.

Dood dheer kadib, waxaa la isla gartay in Soomaliddu ciidan amniga gacanta ku dhiga ay samaysan karto haddii la helo hoggaan ka baxsan dano shaqsi, mid qabiil iyo mid kooxeedba. Dhinaca kalna laga shaqeeyo in la badalo dhaqan siyaaasadeedka dalka la dagay.

Agaasimaha waxaada tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadd Ismaciil Yuusuf Cusman oo dooda soo xiray ayaa sheegay in doodaha noocan oo kala ah ay yihiin kuwa looga fardhiyo jaamacaddaha dalka si la isku waydiiyo su’aalo xal keeni kara.

“ Waad u jeeddaan sida muddo dheer kaddib wali ay dadka u rabbaan in ay su’aalo waydiiyaan aqooyahanda dooda fadhiya. Sidaas darteed, hala wado doodahan wax dhisiya” Agaasima Ismaaciil.

Soomaaliya laga soo bilaabo ilaa 1991 ma aysan helin dowlad hanata dhammaan amniga iyo kala danbaynta dalka., waxaana ku sugan ciidamo ka kala socda Qaarrada Africa kuwaa oo dowladda gacan ka siiya sugida amniga.

Abdisalan Nor Dirie ,
Hiiraan Online
[email protected]