3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Qaramada Midoobey oo 19 shaqaalaheeda ah ku weysay burburka diyaaradii Ethiopian Airlines

 

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay.

Hay’adda cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa shilka diyaaradeed uga dhintay 7 ka mid ah shaqaalaheeda, xafiiska qaxootiga UNHCR Labo shaqaale ah ayaa uga dhitay shilka, halka Ururka caalamiga ah ee Isgaarsiinta dunida ITU burburka diyaarada ay uga dhinteen tiro la mid ah.

Hay’addaha FAO, IOM iyo waliba xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey waxaa burburka diyaarada Ethiopian Airlines uga geeriyooday min hal shaqaale ah.

Lix shaqaalaha xafiiska Qaramada ee Nairobi (UNON) ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay burburka diyaarada sida lagu sheegay warka ka soo baxay Qaramada Midoobey.

Dad ka kala socda ilaa 35 dowladdood ayaa la sheegay in ay ku dhinteen burburka diyaarada, iyadoo tirada ugu badan dadka dhintay ay u dhasheen Kenya oo ka geeriyoodeen 32 ruux.

Waxaa sidoo kale dadka dhintay ka mid ahaa 18 u dhashay dalka Canada, Sagaal Itoobiyaan ah iyo waliba Siddeed Ameerica ka soo jeeday.

Soomaaliya waxaa waxaa la sheegay in uu hal qof oo kaliya kaga dhintay burburka diyaarada sida ku cad liiska Jinsiyadaha ay ka soo jeedeen dadka ku dhintay diyaarada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/11/2019 4:52 PM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala,kaddib casuumad uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda.

3/11/2019 12:29 PM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii danbe ee maanta u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

3/11/2019 9:49 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida saaka ka furmay shirwayne ay yeelanayaan odayaal dhaqameedka degaanka iyo xukuumadda Dawladda Degaanka Soomaalida.

3/11/2019 9:43 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2019 (HOL)- Xukuumaddda iyo xisbiyadda mucaaradka ah ayaa si gooni gooni uga tacsiyadeeyey Itoobiya dadkii ku geeriyooday iyo diyaaradoodii ku burburtay, waxaanay maanta soo saxeen buugii tacsiyadda ee la dhigay xafiiska itoobiya ku leedahay Hargeysa.

3/11/2019 9:16 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) - Ku-xigeenka ergayga gaarka ee Midowga Africa ee hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa xaqiijiyey in ay ku-simihii taliyaha Police-ka ee AMISOM Kiristiine Alalo ay ku geeriyootay duulimaadkii B737 ee Ethiopian Airlines ee shalay bur-burtay.

3/11/2019 8:52 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)– Dad aad utiro badan ayaa maanta isugu tagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaa oo isugu jiray masuuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland ....

3/11/2019 5:50 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Doodan oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaan Fowzia Yusuf Xaaji Adan cilmi wasiirkii hore wasaaradda Arimaha dibadda, Dr. Abdirahman M. Abdullahi (Baadiyow)- aqooyahan, qoraa, Robert Kluijver Macalin ka tirsan Paris Institute of Political Studies: Sciences Pro, Jaamacadda SIU-na cashiro ka bixiya.

3/11/2019 5:02 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu amray in laga guuro Xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.

3/11/2019 2:51 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay ku qabtay magaalada Muqdisho Nin xirnaa dharka Dumarka, waxaana gaar ahaan Ninkan laga soo qabtay degmada Kaaraan.

3/11/2019 12:49 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)-Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha dalka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Kismaayo, kadib mudo dheer oo laga sugayay in uu yimaado Kismaayo.