4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1da Luulyo

Axad, June, 30 2019 (HOL) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sannad-guurada 59aad ee ka soo wareegatay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed iyo israacii gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta,taasoo aasaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna u wada socda in aynu hanano dowladnimadeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan”. ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Dowladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda.”

” Maanta umadda Soomaaliyeed waxay marayaan marxalad ay muhiim u tahay inay midoobaan, taageerana dowladda iyo xukuumadda oo aan caddeynayo inay ka go’antahay sidii mar kale loo heli lahaa Soomaaliya oo xooggan, isku filan iyo muwaadiniin dunidda wax ka ah.” ayuu raaciyay.

Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay in dedaalada socda ee dib u heshiisiinta iyo wada-hadallada ay wado xukuumadda Soomaaliya inay muujinayaan sida mar kale ay dowladnimada Soomaaliyeed cagta u saartay waddada saxda ah, wuxuuna ku cel celiyay baaq uu u diray dhammaan bulshada Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in midnimada la xoojiyo.

“Maanta umadda Soomaaliyeed cidda ugu badan waa dhallinyaro, wuxuu yahay doorka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee aan hoggaamiyo sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed dib ugu heli lahaayeen xirfado u suuragalinaya in shaqo abuur la helo, taasna waa mid aan dedaal badan galinayo meel walbana aan u tageyno.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]