4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo sheegay doorashada Galmudug inay ka dhaceyso Dhuusamareeb xilli hay'adaha amniga ee DFS ay halkaa ka howlgalayaan



Axad, June, 30 2019 (HOL) –Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud  ayaa caawa kaga qeybgalay magaalada xarunta u ah gobolka ee Dhuusamareeb xuska 1da Luulyo.

Ra'iisul wasaaraha ayaa khudbad uu munaasabadda ka jeediyay ku dheeraad arrimo badan oo la xiriira xaaladda Galmudug, wuxuu caddeeyay doorashada dowlad-gobolleedka Galmudug inay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ah.

Waxaa kalo uu ra'iisul wasaaraha sheegay in laga billaabo maalinta berri ah ay hay'adaha ammaanka ka howlgallayaan magaalada Dhuusamareeb iyo dhammaan deegaannada Galmudug, si buu yiri loo suragaliyo gogasha dib u heshiisiinta iyo doorashada, isagoo marka ku dhawaaqay gogasha dib u heshiisiinta Galmudug inay taallo magaalada Dhuusamareeb.

"Waxaan caddeynaya in gogashii dib u heshiisiinta ay taallo magaalada Dhuusamareeb." ayuu yiri ra'iisul wasaare khayre oo inta ku daray "Caawa waxaa midoobay shacabka iyo dowlad-gobolleedka Galmudug iyo dowladda federaalka Soomaaliya."

Dhinaca kale, madaxa xukuumadda ee dowlad-gobolleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa si rasmi ah u caddeeyay si qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug isugu yimaadaan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb inay diyaar u yihiin dhammaan hay'adaha amniga ee dowladda federaalka inay ka howlgallaan Dhuusamareeb,iyadoo marka uu hadalka yiri dhammaan ay u istaageen madaxdii iyo qeybaha bulshada ee munaasabadda ka qeybgalay.

"Gogashii Galmudug lagu dhisi lahaa caasimadda Dhuusamareeb ayay taalla,Galmudugta aan dooneyno waa Galmudug dowladda federaalka aan caasi ku ahayn, waa Galmudug midnimo rabta." ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Waxaa kalo uu ku dheeraaday madaxa xukuumadda Galmudug la-dagaallanka al-Shabaab, wuxuu marka sheegay inay dedaalka ugu badan ku bixiyeen nabadeynta Galmudug xilligaana diyaar u yihiin dib u heshiisiin iyo nabadeynta bulshada Galmudug.

Arrintaan ayaa loo arka inay meesha ka saarayso khilaafka muddada u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo Galmudug, waxaana maanta gaaray caasimadda Muqdisho madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf oo la kulmay madaxweyne Farmaajo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]