4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf oo ku kulmay madaxtooyada Soomaaliya

 

Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo muddo ku dhawaad sanad kaddib gaaray magaalada  ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa imanaya xili la soo afjaray khilaafkii muddo dheerba u dhaxeeyay maamul gobolleedka Galmudug iyo dowladda dhexe wixii ka danbeeyay kulankii degmada Cadaado ay ku yeesheen ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha GalmudugXaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa aqbalay go’aankii dowladda ee la xiriiray muddo xileedka Galmudug iyo guud ahaanba waqtiga doorashada oo ay dowladdu u qabtay ilaa 4ta bisha July ee nagu soo foolka leh.

Laakiin dhinaca kale marka laga soo tago khilaafka Galmudug iyo dowladda dhexe madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf ayaa warbaahinta marar kala duwan isku mariyay erayo aan wanaagsaneyn oo dadka qaar u arkayeen kuwa uga sii daraya xaalada, laakiin haddana waxaa muuqata in arrimahaa oo dhan meesha ka baxeen, islamarkaana leysaga soo dhawaaday sidii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]