4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2019
Xaaf oo Muqdisho soo gaaray kana hadlay ujeeddada safarkiisa


Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaya ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka oo uu uga mahadceliyay sida ay ugu soo dhaweeyeen caasimadda.

Madaxweyne Xaaf, ayaa ujeeddada socdaalkiisa ku sheegay inay la xiriirto kullamo uu la qaadanayo madaxda sare ee dowladda federaalka.

“Madaxda qaranka waxaan kala hadlaya arrimaha muddooyinkan ka taagan dalka, dib ayaadna ula socon doontaan wixii ka soo baxaya.” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Xaaf, ayaa sheegay in loo baahanyahay dib u heshiisiin umadda Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku tilmaamay waqtigan inay muhiim tahay, isagoo suxufiyiinta kula hadlayay qeybta gaarka ah ee garoonka Aadan Cadde.

Imaatinka Muqdisho, ee madaxweynaha Galmudug ayaa ka dambeeyay kaddib kullamo uu magaalada Cadaado kula soo yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan gobolka Galgaduud, waxaana kullamada ka dhashay isku soo dhawaanshaha dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online