4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Qof ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday qof kalana wuu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ee caasimadda Muqdisho.

Gaari yaallay meel ku dhow dhismaha shirkadda Dahabshil ayaa qarxay, iyadoo la sheegay gaari inay lahayd shirkadda, sida ay warbaahinta gudaha ku warrantay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa gaariga lagu xiray, sidoo kale hay’adaha ammaanka ilaa hadda kama soo bixin warbixin qaraxa looga hadlay.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe aad loo adkeeyay, waxaa ka socda caasimadda dabaaldegga xuska toddobaadka xoriyadda.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]