4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday Marxuum Qanyare

Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha  Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Allaha u naxaristo Maxamed Qanyare Afrax ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, labo mar ayuu wasiir soo noqday , isagoo sidoo kale xildhibaan ahaa ka kor inta uusan xilka ku wareejin wiil uu dhalay.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]