4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray waddada abwaan timacadde ee magaalada muqdisho


Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna.

“Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig u ahayd dareenka waddaniyadeed ee dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo xarigga ka jaray Waddada Liido ee Degmada Cabdulcasiis ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada wax ku-oolka ah ee ay dib ugu dhisayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoogga saaraan bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]