4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Garoowe: Raggii loo heystay dilka iyo kufsiga gabar 12 jir ah oo mar kale dil lagu xukumay

Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex nin oo ku eedeysnaa gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday laguna dilay magalada Gaalkacyo.

Maxkamadda darajada koowaad ayaa horey xukun dil ah ku ridday raggan oo kala ah ; Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso Puntland.

Qareenka u doodaya eedaysaneyaasha ayaa rafcaan u qaaday maxkamadda sare oo ayado go'aanka kama dambaysta ah ka gaari doonta kiiskan.Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sannadkan ayaa meydkeeda gabadha laga helay magaalada Gaalkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi,waxaana kiiska uu caro weyn ka dhaliyey guud ahaan deegaannada Puntland iyo deegaanka uu ka dhacay ee magaalada Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]