4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2019
Qof loo soo xiray dilka gabar meydkeeda laga helay hoteel ku yaala magaalada Muqdisho

 

Axad, June, 30, 2019 (HOL) – Taliska ciidamada Boooliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray qof ku eedeysan in uu ka danbeeyay dilka Suleeqo Yuusuf Axmed dhawaan meydkeeda laga helay hotel Caamir ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Zakiya Xusseen Axmed ayaa warbaahinta u sheegtay in kiiska dilka gabadhan loo soo xiray qof magaciisa lagu sheegay Bishaar Cabdirisaaq Maxamed.

“Ciidamada Boliiska gaar ahaan hoggaanka demibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Cabdirisaaq Maxamed kaa oo ku eedeeysan dilka marxuumada Suleeqo Yusuf Axmed falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Caamir oo ku yaal degmada Howlwadaag.

Suleeqa ayaa la sheegay in aheyd 28 sano jir afar carruur ah heysatay waxaana la sheegay in qofkan loo soo qabtay dilkeeda uu xiriir hore kala dhaxeeyay kuna balansanaayeen hoteelka.

 

Dad ay isku dhawaayeen marxuumada ayaa sheegay in ay ka war hayeen in gabadhan ay aaday hoteelka kuna war-galisay in ay kula balansan tahay qofkan la qabtay oo ay xiriir hore lahaayeen.

Taliska Booliiska ma uusan bixin faah faahintaa ka badan oo la xiriira kiiska dilka gabadhan la sheegay in meydkeeda laga helay mid ka mid ah hoteellada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]