Shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka furmay Isanbul iyo Hormuud Telecom oo maal-galisay
Sabti, June, 15, 2019 (HOL) –Magaalada Istanbul
ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmay shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed oo
soconaya muddo Afar cisho ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi
Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay
in ay aad muhiim u tahay in qurba joogtu ay Laba jibbaaraan dowrka ay ku
leeyihiin dib-u-dhiska Dalka, ganacsiga iyo horumarinta degaanka.
Kulankan oo ay maal gelisay shirkadda
Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa ka qeyb gelaya mawaaddiniin Soomaaliyeed
oo ka kala yimid daafacaha caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro
natiijo iyo talooyin kaabaya horumarinta mustaqbalka ummaadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Qurba-Joogta Soomaaliyeed
Marwo Jawaahir Daahir ayaa uga mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom &
Salaam Soomaali Bank sdia ay isugu xilqaameen taaba gelinta Shirweynaha,
waxayna sidoo kale sheegtay in ay horumar la taaban karo ka abuureen Somalia.
Guddoomiyaha Hey'adda Hormuud Foundation
Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka mid ah wafdiga Shirkada Hormuud & Salaam
Bank ayaa ka war bixiyey wax qabadka hey'adda Hormuud Foundation, waxa uuna
sheegay in dad gaaraya ilaa 5 Malyan oo qof oo Soomaali ah ay siyaabo kala
duwan uga faa'idaysteen adeegyada shirkadda. Tusaale ahaan malaayin qof ayaa ka
faa'idaysta adeegga EVC Plus si bilaash ah (Lacag la'aan), boqolaal kunna waxay
ka faa'idaystaan taakulaynta Isbitaallada Danta Guud, Jaamacadaha, Iskuullada
iyo goobaha adeegga bulshada ee shirkadda Hormuud Telecom ay caawiso.
Bangiga Salaam ayaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn
ka ciyaaray horumarka hannaanka Maaliyadda ee waafaqsan shuruucda Bangiyada,
dhismaha nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya, dib u dhiska dalka sida unkidda
xaafadda cusub ee Daarusalaam iyo laamiga Daarusaaalam oo 7KM ah, maal gelinta
Ganacsiga oo gaarayso boqolaal malyan oo lagu maalgaliyay Shirkado iyo
ganacsato soomaaliyeed, Shaqo Abuurka & soo celinta Xisaabaadka maaliyadeed
ee waafaqsan hannaanka Bangiyada.
Shirkadda Hormuud ayaa kaalin lixaad leh ka
qaadatay Horumarka dhaqaalaha dalka iyo Shaqo abuurka, ayadoo abuurtay in ka
badan 30 kun oo shaqo, waxey sidoo kale gacan ka geysatay horumarinta
Technology-yadda & Dhiirri gelinta Waxbarashada.
Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya
siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caan ah oo isaga kala yimid dalka dibaddiisa iyo
gudihiisa waxaana ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh
Axmed iyo mas’uuliyiin kale.