4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
Dalka Mali oo looga dhawaaqay baroor diiq

Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq qaran ah oo loo sameynaayo dadkii lagu xasuuqay tuulada Sobane Da ee bartamaha dalkaasi.

Dowladda Mali ayaa maalinimadii shalay ceyrisay guddoomiyihii gobolka Mopti ee bartamaha dalkaasi kaddib kolkii kooxo hubeysan ay weerareen qabiilka Dogon,halkaana ay ku dileen 95-ruux.

24 carruur ah ayaa ka mid ah dadkaasi la dilay sida ay shalay xaqiijiyeen dowladda Mali,waxaana warku intaa ku daray in lix qof la xiray kaddib markii la sameeyay baaritaanno joogto ah.

Ciidammada ammaanka ee dalkaasi ayaa loo qaaday gobolka bartamaha ee ay ka dhaceen rabshadaha,waxaana la rumeysan yahay in beelaha Dogon oo beeraleey ah iyo Fulani oo xoololeey ah ay soo cusboonaadeen xiisadaha ama dagaalada u dhexeeya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]