Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta
canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka daraawiishta booliiska iyo taallada
Dhagax-Tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.
Kheyre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka
Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo
diyaarinayo soo dhawaynta martida.
Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa
is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka
ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo
taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo
maraya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo
Asluubta ku bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka
saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Kheyre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu
xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka
qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay
shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta
taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka
wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]