Talaado, June , 11, 2019 (HOL) - Ku dhawaad boqol
qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mali
Isniintii, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.
Ma jirin cid si deg deg ah u sheegatay
mas’uuloyadda xasuuqaasi lala bartilmaameedsaday dadka deggan tuulada, gaar
ahaan bulshada Dogon.
Dagaallo u dhaxeeya qowmiyadaha dega halkaasi
ayay boqollaal qof hore ugu dhinteen.
Waxa uu weerarkaasi imaanaya wax ka yar 3 bil,
kadib markii koox la sheegey inay ka tirsanaayeen qowmiyadda Dogon ay dileen
160 qof oo ka tirsan qowmiyadda Fulani.
Madaxweynaha Mali Ibraahim Baabakar Keyta, ayaa
sheegey in waddankiisu aanu hoggaamin kareyn weeraro aargoosi iyo ciil isku
heyn.
Hadalkaasi ayuu ka sheegey dalka Switzeland, oo
uu booqnayo, waxana la filaya in uu booqashadiisa uu so gaabiyo.
Waxa uu dadka reer Mali ugu yeerey inay isku
yimaaddaan oo ay ogolaadaan in dalka uu samatabaxo, waayo buu yiri, “tani waa
calaamad su’aal la xiriirta samatabax.”
Saraakiil ku sugan degmada Koundou ayaa u sheegey
wakaaladda AFP in tuulada Sobane-Kou ay soo weerareen koox hubeysan, ayna
halkaasi ku dileen 95 qof. 19 qof ayay dowladdu sheegeysaa in sidoo kale la la’
yahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]