4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Xukuumada Somaliland oo Soomaaliya ku eedeeyey inay amni daro ka waddo geeska Afrika

 

Khamiis, July, 04,  2019  (HOL)- Xukuumada Somaliland ayaa dawlada Soomaaliya ku eedeeysay inay khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuurayso manqada geeska Afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.

Sidaasna waxa lagaga hadlay kalfadhigii golaha Wasiirada ee maanta oo lagu eedeeyey in dawlada Soomaaliya marwalba ku foogan yihiin dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Dhinac kale, kalfadhigii 37aad ee golaha wasiirada Somaliland waxa maanta shirgudoominayey madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha C/raxmaan Saylici, waxaana warbiximo lagaga dhegaystay wasaarradaha, waxbarashada iyo sayniska iyo qorshaynta & horumarinta qaranka, waxaana lagu ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yaryar.

Ugu horayn wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo sayniska ayaa warbixin golaha ka siiyey hawlaha wasaaradda iyo horumarka wasaaradu ku tallaabsatay, isagoo sheegay inay diirada saareen tayeynta waxbarashada iyo tababarada barayaasha, si loo horumariyo waxbarashada, wuxuuna tilmaamay inay wasaaradu kormeer joogto ah ka waddo goobaha waxbarashada, si kor loogu qaado kobaca waxbarashada dalka. Sidoo kale waxa uu xusay inay diyaariyeen xog ururinta waxbarashada waddanka iyo casriyeynta keydka manaahiijta qaranka.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, ayaa golaha sharaxaad dheer ka siiyey hab maamulka iyo mashaariicda sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo (SDF), waxaanu ku dheeraaday ahmiyada weyn ee mashaariicda sanduuqaasi qaranka u leeyahay, isagoo sheegay inay si habsami ah guud ahaan dalka uga socdaan mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa (Somaliland Development Fund). Waxa kale oo goluhu ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yar yar oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.