4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea

Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) –Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Guinea, kaddib shir jaraa’id oo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu ku qabtay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Guinea ay ku xadgudubtay Qaranimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed la socodsiineynaa in Laga bilaabo saacaadaan ay dowladda Federaalka ay xiririka u jartay dalka la yiraahdo Jamhuuriyadda Guniea oo ay caasimadiisa tahay Konagry..”ayuu yiri wasiir Cawad.

Wuxuu inta ku daray in sababata ay xiriirka ugu jareen ay tahay inay meel ka dhaca ku sameeyeen qaranimada, midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, isagoo farriin u diray dalal dhowr ah oo xadgudubyo ka dhan ah ku ah qaranimada iyo Midnimada Soomaaliyeed.

Go’aankan wuxuu ka dambeeyay markii toddobaadkan dowladda Guinea ay casuuntay, soona dhaweysay madaxweynaha Soomaaliland , iyadoo maamulka uu doonayo inuu madax bannaani ka helo dowladda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]