4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka oo la soo gabagabeeyay


Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Baarlamaanka adduunka ayaa waxaa u soo gabagaboobay shirkii madashada oo sannadkan lagu qabtay magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka,iyada oo shirka intuu socday lagu fallanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliya ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xalliyo Madasha Baarlamaanada Adduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi.

Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,waxaa  ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka.

Gabagabadii, shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Adduunka ee xalinta dhibaatooyinka jira

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]